Dowlada Jubaland waxay garab taagan tahay Qareenada iyo Xubnaha Dacwada Badda ku Matalaya Dalkeena
March 16, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa sheegay in Xukuumada iyo Shacabka Jubaland ay garab taaganyihiin sidookalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshaynayo badeena ay muranka galisay Kenya.
“Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri Madaxweynahu.
Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah” ayuu yiri Madaxeynahu.
—-DHAMAAD—