Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay James Swan iyo Danjiraha Mareykanka U fadhiya SoomaaliyaYamamooto.

March 16, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee ka dhacay Baydhabo .

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  waxaa uu kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka U fadhiya Soomaaliya  Yamamooto waxay ka wada hadleen arimaha doorashada dalka Ivo qaabkii loo fluit lahaa heshiiskii 17kii September 2020 .

Madaxweynaha Galmudug ayaa  isla maanta soo gaaray magaalada Muqdisho isaga oo safar shaqo u jiray dalka Turkiya sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle.

M_M Deeq

Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online