Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo gaaray Degmada Caabudwaaq (Masawiro)

March 27, 2021 - Written by Editor

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid,oo safar shaqo ku marayey degmooyin iyo deegaanno kamid ah Galmudug, si uu ugu kuurgalo xaaladda abaaraha iyo saamaynta Covid-19 ayaa galabta sidiirran loogu soo dhaweeyey degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha oo gelinkii-dambe ee galabta gaaray Caabudwaaq ayaa waxaa Madaxtooyada Caabudwaaq si weyn ugu soo dhaweeyey 2-da Gole ee Dowladda Galmudug, duubabka dhaqanka degmada, dhalinyarada iyo qeybaha bulshada Caabudwaaq, sidookale waxaa uu Madaxweynuhu salaan-sharaf ka qaatay cutub kamid ah ciidanka xoogga dalka.Salaan iyo soodhaweyn kadib ayuu Madaxweynuhu Kulan-docedyo laqaatay masuuliyiinta iyo bulshadii soodhaweysay, isagoo Madaxweynuhu caawo hoyday Degmadaasi.

—–Dhammaad——

Comments are closed.