Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo shir gudoomiyey shirkii golaha Wasiirada
March 18, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Kulan heer Wasiir ah oo looga hadlay Amniga, Caabuqa Covid19, qorshaha Tallaalka, Xaaladda Biya-yarida iyo abaaraha deegaanada Puntland iyo halka ay marayso socodsiinta isticmaalka Shillin Soomaaliga.
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa waxaa uu warbixin ka dhagaystay xubnaha golaha wasiirada, waxaan uu faray in la dardar geliyo howlaha shaqo iyo adeegyada loo hayo bulshada.
M_M_Deeq
Halgan.net