Puntland iyo Jubaland oo warsaxaafeed ka soo saaray arrimaha doorashooyinka (Akhriso)

March 31, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo saaray warsaxaafeed ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo in ay diyaar u yihiin in la qabo shir lagu xalinayo is maandhaafka siyaasadeed ee ka jira arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho, Madaxda Dowladda Gobolledyada , Madashada badbaado Qaran iyo bulshada qaybaheed kale duwan.

Kulamad ayaa dhamaantood waxaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan Doorashada, Iyadoo Dowladaha Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.