Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Muharaxiinta oo ku kulmay Muqdisho.[Masawiro]

March 1, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa saaka shir uga furmay Hotelka Decale ee ku yaal garonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Robble iyo Midowga Musharaxiinta, Madaxweynaha Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka maanta u dhexeeya Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Rooble iyo Midowga musharaxiinta ayaa ahaa mid lagu balamay ka dib isafagarad heshiis aya wada gaareen 25/2/2021 Midowga musharaxiinta Iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Kulanka maanta ayaa waxaa looga doodayaa qodob dhowr ah oo dhimanaa laguna balamay ayna ka mid tahay arrimaha doorashooyinka iyo sidda ay qayb uga noqon lahaayeen xubno ka mid ah Midowga musharaxiinta.

Ra’iisul Wasarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qayb ka ah shirka maanta ay Midowga Musharaxiintu la yeeshen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Rooble , Ra’iisul wassaarihii hore JFS Xassan Cali Khayre, ayaan ka qayb gelin is afagaradkii heshiis ee 25/2/2021 ay wada gaareen Midow musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Robble ayaa la filayaa in uu shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo ka dhici doono Hotelka Decale ee ku yaal garoonka Aadan Cadde ugu yeero Madaxda dowladda gobolleedyada gaar ahaa Puntland iyo Jubbaland.

A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online