Shirka Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS iyo Beesha Caalamka oo Kulmay .[Masawiro]

March 29, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Shirka Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS oo si rasmi ah maanta ugu qabsoomay Muqdisho.Waxaa ka qeyb galay madaxda dowlada gobaleedyada. iyo beesha caalamka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in is fahan hordhac ah ay ka gaareen Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ka socda Xalane kaas looga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Kulankan waxaa garwadeen ka ah ergeyga Qaramada Midoobay, James Swan oo ay wahlinayaan wakiilka Midowga Afrika, danjiraha dalka Mareykanka iyo danjiraha UK.

James Swan wuxuu sheegay iney ku faraxsan yahiin dadaallada socda wuxuuna yiri “Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.