Wariye Jamaal Faarax Aadan oo lagu dilay Gaalkacyo.
March 1, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Allaha u naxariisto waxaa goor dhow lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ahaa wariyaha kaliya ee baraha bulshada ku soo bandhigi jiray sidda amniyaadka Al-shabaab ugu laayeen Haldoorka Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.
Allaha u naxariistee Jamaal Faarax Aadan ayaa Koox Bastoolado ku hubeysan goordhow ku dileen agagaarka Xerada Siinaay ee Gaalkacyo mana jirto ilaa hadda wax faahfaahin oo ka soo baxaysa in laamaha amnigu ay ku guulaysteen dhagarqabayaashii dilay Wariye Jamaal Faarax Aadan.
Dilka maanta Jamaal Faarax Aadan ee Gaalkacyo ayaa ah fariin ay Al-shabaab u direen in cid walba oo ka hadasha arrimaha ku saabsan shirqoolada ay maleegayaan amniyaadka Al-shabaab ay dili doonaa.
Allaha u naxariistee Jamaal Faarax Aadan ayaa ka mid ahaa wariyaashii ka shaqyan jiray Radio daljir 2005 kagana soo warami jiray magaalada Jowhar oo xarun u ahayd dowladdii ku meel gaarka ee uu Madaxweynaha ka ahaa Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Maamulka Halgan.net iyo wariyaasha ayaa waxaa ay tacsi gaar ah u dirayaan qoyskii iyo eheladi uu ka baxay Wariye Jamal Faarax Aadan sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo.
M_M_Deeq
Halgan.net