Wariye Jamaal Faarax Aadan oo lagu dilay Gaalkacyo.

March 1, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Allaha u naxariisto waxaa goor dhow lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ahaa wariyaha kaliya ee baraha bulshada ku soo bandhigi jiray sidda amniyaadka Al-shabaab ugu laayeen Haldoorka Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Allaha u naxariistee Jamaal Faarax Aadan ayaa Koox Bastoolado ku hubeysan goordhow ku dileen agagaarka Xerada Siinaay ee Gaalkacyo mana jirto ilaa hadda wax faahfaahin oo ka soo baxaysa in laamaha amnigu ay ku guulaysteen dhagarqabayaashii dilay Wariye Jamaal Faarax Aadan.

Dilka maanta Jamaal Faarax Aadan ee Gaalkacyo ayaa ah fariin ay Al-shabaab u direen in cid walba oo ka hadasha arrimaha ku saabsan shirqoolada ay maleegayaan amniyaadka Al-shabaab ay dili doonaa.

Allaha u naxariistee Jamaal Faarax Aadan ayaa ka mid ahaa wariyaashii ka shaqyan jiray Radio daljir 2005 kagana soo warami jiray magaalada Jowhar oo xarun u ahayd dowladdii ku meel gaarka ee uu Madaxweynaha ka ahaa Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Maamulka Halgan.net iyo wariyaasha ayaa waxaa ay tacsi gaar ah u dirayaan qoyskii iyo eheladi uu ka baxay Wariye Jamal Faarax Aadan sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online