Wasiirka caafimaadka Puntland oo ka warbixiyay xaalada guud ee Corona Virus.

March 4, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay xaalada Covid19 ee Soomaliya si gaar ah Puntland.“

Wasiirka ayaa bulshada soomaliyeed iyo kuwa reer Puntland xasuusiyay in xanuunka uu wali si xoogan uga jiro aduunka ayna socdaad dadaalo looga hortagayo oo ay ugu horayso talaalo la soo saaray iyo taxadar badan oo aad ogtihiin wadamada qaar inay mamnuuceen dadka dalalka xanuunku ku badanyahay ka imaanayaan.”

“Hadaan usoo laabto Soomaliya xanuunku waxa uu markasta ahaa mid marna kacaya marna hoos udhacaya, waxaana maalmihii udanbeeyay soo baxayay in dalka uu koror jiro sida dawlada federaalka ay soo saartay balse dhanka Puntland wali waxaan isleeyahay kor ukac aan badnayn ayaa jira 2 todobaad ee la soo dhaafay waxaa la baaray 639 qof waxaana xanuunka laga helay ilaa 22 qof taasoo marka boqolay laga dhigo noqonaysa 3.4% taas oo sare ukac yar uu jiro marka loo eego bilihii la soo dhaafay.

”Wasiirka ayaa ugu danbeyn ku booriyay dadka wadanka imaanaya ee ka imaanaya dalalka Yurub ama America ee xanuunku ku badanyahay iyadoo lagu jiro xiliga qaboobaha ah, inay safarada aan muhiimka ahayn aysan dalka u imaan, hadii ay yimaadaana 2 todobaad ee ugu horeeya ay ku jiraan guryahooda.”

“Wasiirka ayaa ugu danbeyn sheegay in dhawaan dalka uu soo gaari doono talaalka xanuunka Covid19 kaasoo oo lagu wado in hay’adda caafimaadka aduunka ay soo gaarsiiso, waxaa lagu wadaa in la keeno Millian iyo laba boqol oo kun (1,200,000) kaas oo dalka oo dhan loogu talagalay marka si loo eego waa tiro kooban, waxaana ugu horayn lagu bilaabi doonaa dadka caafimaadka ka shaqeeya, dadka waayeelka ah ee da’doodu ka weyntahay 65 sano iyo dadka xaaladaha xanuunada kale leh sida (Neefta, Macaanka iyo Dhiikarka), nooca talaalka ee la inoo keenayo ayaa midka ugu sareeya Aztra zeneca/Oxfoord.”

——Dhamaad—–

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADACAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online