Ciidanka Booliska Boosaaso oo howl gal ka sameeyey Xaafadaha magaalada Bosaaso [Masawiro/Video]

August 15, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa waxaa ay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Bosaaso ee caasimadda Ganacsiga Gobalka Bari.
Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada iyo ka hortagista falalka dhibaatada ku ah Bulshada.

Inta uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, Huteelada iyo guryaha sidoo kale dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.

Taliyaha Qeybta Boolisla Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada baaritaanona ay mari doonaan.

Sidoo kalle inta uu howlgalka caawa socday ayaa Taliyaha iyo Ciidmada waxay bulshada ka wareesanayeen amniga iyo in ay jiraan kuwo dhibaato u geeysta shacabka balse bulshada ayaa Taliyaha ku amaanay xaqiijinta amniga oo habeen iyo maalin ay u taagan yihiin ciidamada Booliska oo gaaf wareega xaafadaha suuqyada iyo jidadka magalada Bosaaso oo gaadidika iyo dadka lagu baaro.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online