Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka qayb galay Kulan Golaha Wadatashiga Qaran ay la yeesheen beesha Caalamka
August 24, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda ka qeybgalaya Kulan Golaha Wadatashiga Qaran uu la leeyahay Wakiilada Beesha Caalamka.
Kulanka ayaa looga hadlaya taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamku kaga qeyb qaadanayso Doorashadda, Golaha ayaa la wadaagay Wakiilada Beesha Caalamka sida ay u socoto howsha Doorashadda iyo muhiimada ay leedahay in la helo dhaqaalihii doorashada loogu talagalay ee aan weli lahelin.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay qoondada Haweenka iyo Amniga Doorashadda iyo guud ahaan dalka.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net