Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Dhismayaasha cusub ee Madaxtooyada Puntland.[Masawiro]
August 1, 2021 - Written by EditorGaroowe:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismeyaasha cusub ee lagu soo kordhiyay Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha kala duwan ee lagu kordhiyay Madaxtooyada, sida Qeybta gawaarida la dhigo, Wadooyinka Casriga ah, Albaabka Hore oo ay ku jirto qeybta amniga, dhireynta Madaxtooyada iyo hoolasha Casriga ah.
Dhammaan kharashaadka lagu horumariyay Madaxtooyada waxaa bixisay Dowladda Puntland, Bilicda iyo Qurxinta Qasriga Madaxtooyada ayaa kor u qaadeysa qiyamka Dowladdnimada Puntland.
no images were found
—–DHAMMAAD—-
XAFIISKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND