Wafti u hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Puntland oo booqday dekadda Garacad.[Video/Masawiro]

August 27, 2021 - Written by Editor

GARACAD :-Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayo Wasiir ku xigeenku Maaliyadda Mudane Cabdi Ibrahim Warsame (Qowdhan) ayaa maanta booqday dagmooyinka Jariiban iyo dekadda Garacad ee Gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa booqday Xarunta Degmadda iyo Dekadda Garacad iyadoo ay la kulmeen dhamaan masuuliyiinta Shirkadda Wadaagsin oo ah shirkad maxalli ah oo gacanta ku haysa dhismaha Dekadda Garacad.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi Ibrahim Warsame ayaa warbixnno kala duwan ka dhagaystay masuuliyiinta Wadaagsin oo ay weheliyaan khuburadda dhismaha Dekadda.

Wasiir Ku Xigeenka Ayaa bogaadiyay horumarka baaxadda leh ee ka socda dhismaha Dekadda iyadoo uu ku amaanay masuuliyiinta Wadaagsin sida ay uga dhabeeyeen mashruuca dhismaha Dekadda Garacad.

Maamulka Shirkadda Wadaagsin ayaa soo bandhigay qorshaha dhamaystirka Dekadda iyagoo soo dhaweeyay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka wada shaqayn doonaan qorshayaasha kala duwan ee labada dhinac horyaal.

Wafdiga ayaa loo sameeyay booqasho ay ku sameeyeen dhamaan shaqooyinka wanaagsan ee ka socda Dekadda iyadoo ay soo arkeen shaqa kasta oo ka socota dekadda Garacad.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa qorsheenaysa in ay ka hawl gasho Kastamka Garacad markii la dhamaystiro si loo bilaabo fududaynta ganacsiga hormaritna dhaqaalaha ee Dalka.

Baahintii
Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2021
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online