Madaxweynaha Puntland oo daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl

September 12, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl kuwaasi oo ah goleyaashii deegaan ee ugu horeeyay ee Shacabku kusoo doorto hal Qof iyo Hal cod.

Madaxweynaha ayaa Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo la wadaagay shaqada adag, duruufihii iyo go’aan qaadashada taariikhiga ah ee laga soo maray in uu hirgalo nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo maanta ay halkan ku fadhiyaan Xildhibaanadan codka shacabka.

Wuxuu Madaxweynuhu u digey cidkasta oo isku dayda nooc walba oo carqaladeyn ah, oo lagu dhibaateynayo nidaamka dimuqraadiyadda isagoo muujiyay sida ay Dowladda uga go’antahay uguna diyaargarowday in degmooyinka kale ee Puntland sidoo kale dhowaan laga qabto doorasho qof iyo cod ah, oo ay dadku soo doortaan goleyaashooda.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo diyaar garowga ay ku jiraan, isagoo ugu baaqay Ururada Siyaasadda iyo dhammaan Shacabweynaha Puntland in la isu diyaariyo dhameystirka doorashada qof iyo cod ee degmooyinka Puntland.

Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland waa qorshe Dowladdu ay awooda ugu dhoweynayso Shacabka si ay usoo doortaan Madaxdooda, waxaana arrintaasi siweyn usoo dhoweeyay Shacabweynaha Puntland oo u arka riyo ay lahaayeen oo u rumowday. Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa muddada uu Tababarku u socdo la baraya Dowlad Wanaaga iyo metelaada Bulsho.

Tababarka waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dimuqraadiyadda iyo Federaaleynta, waxaana kasoo qeybgalay Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl, Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland iyo Goleyaasha Dowladda Puntland.

——-DHAMMAAD——-

Comments are closed.

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online