Al-shabaab oo xalay weeraray Xabsiga weyn ee Boosaaso

March 5, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:- Dablay hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weeraray Xabsiga weyn ee Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari , Iska horimaadka ayaa ku bilowday Qarax lala eegtay barta ay ciidamadu ka ilaaliyaan Xabsiga iyadoo markii danbe uu xabsiga ka dhacay dagaal fool ka fool ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Halgan.net in dableyda ka tirsan Al-shabaab ay u dhigeen jid gooyooyin Ciidanka Puntland ee doonayey in ay u soo gurmadaan dagaalka ka socday Xabsiga arrinkaas oo sababay in Maxaabiista ay ka baxsadaan walow aan ilaa hadda tiradooda si rasmi ah aan la aqoon.

Dableyda Al-shabaab ee soo weerartay Xabsiga ayaa waxaa u suurta gashay in ay dib ugu gurtaan dhinac Buurta iyagoona ciidamdooda ay maalmo ka hor ku diyaariyeen gudaha magaalada Boosaaso sidda aan xogta ku helnay waxaan ay wada shaqayn ka helleen dad kale duwan oo ku nool Boosaaso.

Ciidanka Puntland ayaa ku guulaystay ugu danbayn in ay Xabsiga iyo xaafaddaha ku xeeran ay la wareegaan mana soo bandhig ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii xalay oo ahaa mid aad loo qorsheeyey fashil weyn ku keenay laamaha amniga ee Boosaaso.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii xalay ee Xabsiga weyn ee Boosaaso waxaan ay sheegeen in ay ilaa 400 oo qof ay ka sii daayeen Xabsiga.
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online