Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Ambassador Donald Yamamoto iyo gudoomiyaha Aqalka sare.[Masawiro]
March 11, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii Bulshada caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed ayaa sidoo kale kulan la qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas berlanga. Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo Madaxweynahu uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo saamilayda Siyaasada dalka.
Dhinac kale Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi xaashi.
Madaxweynahu wuxuu tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waday dadaal la xiriira arimaha Doorashada, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada ay qusayso taas oo gogol xaar u ah shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net