Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland oo ka qayb galay kulan looga hadlayo amniga Boosaaso.[Masawiro]
March 11, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa maanta magaalada Boosaaso kaga qaybgalay kulan looga arrinsanayey xaaladda ammaanka ee gobolka Bari.
Kulanka oo ka qaybsoomay xarunta gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaarkamid goloha Wasiradda, maamulka Gobolka , siihaya Gudoomiyaha Dagmadda, qaarkamid nabadoonada Gobolka, waxkarad ururadda Haweenka iyo Bulshada qaybaha heeda kala duwan.
Waxaa kulanka u jeedadiisu ahayd sidii laysaga kaashan lagaa sugidda ammaanka guud ee magalada Bosaaso.
waxgaradkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa soo dhaweyay shirka looga hadlay amniga waxayn balan qeeden in ay door weyn ka qadan doon amniga Magalada Bosaaso
Wasiirka Wasaradda Maaliayadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo ka hadlay kulanka ayaa shacabka Magalada Bosaaso uga baaqay in ay la shaqeyn Ciimada si looga guuleyso Cadowga.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa bulshada magaalada Boosaaso uga baaqay in qofkii gurigiisa laga soo helo qof cadow ah dowladu ay kala wareegi doonto gurigasa isna sharciga la marsiin doon.
no images were found
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda