Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya
March 12, 2021 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya mudane Francisco Madeira.
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan, Si ay doorasho wadar ogol ahi dalka uga dhacdo iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan.
Dhinac kale Waxaan xalay la kulmay Guddiga qaban qaabada aaska Alle ha u Naxariistee Madaxweynahii hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed, kuwaas oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Omar Mohamud Mohamed Filish.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net