Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Gudoomiyaasha Degmooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.
September 15, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 55 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabida Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Degmooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;
B. Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso
T. Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso.
2. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;
B. Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe.
T. Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Garoowe.
3. Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac
4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
—————-DHAMMAAD—————–
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.