Xeer ilaaliyahii maxkamadda gobolka Sool oo xalay lagu dilay Laascaanood
June 24, 2012 - Written byLaascaanood:-Waxaa lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool xeer ilaaliyahii maxkamadda gobolka Sool ee maamulka Somaliland Axmed Aw Maxamuud Xaaji Cali waxaana dilay koox hubeysan oo afka u duuban yahay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada Laascaanood.
Axmed Aw Maxamuud Xaaji Cali oo ahaa xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Sool, ayaa sidoo kale ahaa ku simaha Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Sool;goobta lagu dilay xeerilaaliyaha ayaa waxaa soo gaaray ciidanka amniga ee magaalada Laascaanood waxayna sameeyeen hawlgallo waxay ku soo qabteen qof ay sheegeen in dilka looga shakisan yahay .
Saraakiil ka tirsan ciidanka S/land ayaa ka hadlay dilka xeer ilaaliyahii maxkamadda gobolka Sool ee maamulka Somaliland Axmed Aw Maxamuud Xaaji Cali waxayna ku eedeeyeen in dilka ay ka danbeeyaan kooxo ay ku sheegeen Argagixiso walow aysan afka ku balaarin.
A/Cawale
Halgan.net