Ku xigeenka xoghayaha QM oo sheegay in ciidanka AMISOM looga dilay Soomaaliya 3,000 oo askari
May 10, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM Jan Eliasson ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday khasaaraha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM soo gaaray laga soo bilaabo sannadkii 2007 markaas oo ay howlgalo ka bilaabeen magaalada Muqdisho. Jan Eliasson Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay in 3,000 oo askari oo ka tirasn ciidamada AMISOM lagu dilay gudaha Soomaaliya waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaray ciidamada dalalka Uganda iyo Burundi.
Jan Eliasson ayaa yiri“Waad ka argagaxaysaa markii aad ogaato in 3,000 oo askari oo AMISOM ka tirsan ay ku dhinteen howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya, askartan oo dhan waxaa la dilay intii uu howlgalku socday,” Ciidamada Midowga Afrika ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay ilaa haatan 17,700 kuwaaso ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Sierra Leone iyo Kenya.
Jan Eliasson Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sidoo kale khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidanka dowlada Kenya kuwaas oo Al-Shabaab ka saaray deegaano ka tirsan gobalka Gedo iyo J/hoose .
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sidoo kale waxay laayeen Soomaali aad u tiro badan oo aan cidna xisaabsan .Jan Eliasson ayaa hadalka uu sheegay waxaa uu dhaqaalo ugu raadinayaa ciidamada Afrikaanka ah ee ku soo qulqulyada dalka Soomaaliya .
Cabdi Yare
Halgan.net