Ergooyinkii dooran lahaa madaxwaynaha Jubba land oo loo qeybiyey Kaararkii aqoonsiga.
May 14, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magalada Kismaayo xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maanta loo qeybiyey qaar ka mid ah ergooyinkii dooran lahaa madaxwaynaha Jubba land kaararkii aqoonsiga.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Juba Land ayaa si weyn looga dareemayo qabanqaabada iyo diyaargarowga lagu dooran lahaa madaxweynaha Juba Land.
Mid ka mid ah ergooyinka loo qeybiyey kaarka aqoonsiga oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in inta dhiman ergooyinka maalinta birito ah la siin doono kaararka aqoonsiga ka dib la guda gali doono doorashada madaxweynaha maamul gobaleedka Juba Land.
Afhayeenka shir gudoonka shirka Kismayo Cabdinaasir Guure Faarax oo la hadlay isagana saxaafada ayaa sheegay in ay meel wanaagsan ay mareyso doorashada madaxwaynaha Juba Land .
Madaxada DFS ayaa si cad uga soo horjeeda qaabka uu ku socdo shirka maamul gobaleed loogu sameynayo gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Cabdi Yare
Halgan.net