Shirweynihii Masaajida iyo Maraakista UK oo ka dhacay Masjidka Al-Risaalah.[Daawo masawirada]
May 29, 2013 - Written by EditorLondon:-Musa-sadda Al- Irshaad ayaa qaban qaabisay shir ay isugu yimaadeen culimo iyo ducaad Soomaaliyeed oo aad u tiro bada, kuwaas oo ka kala yimid magaalooyinka UK. Culumadaas iyo ducaadaas ayaa waxay mataleyeen in ka badan 20 Maasaajid iyo Maraakis Islaami ah oo Jaaliyada Soomaaliyeed ku leedahay wadanka Ingiriiska. Kulanka ayaa lagu qabtayd Masjidka Al- risalah ee ku yaal waqooyiga London, Maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 17/07/1434 – 27/05/13. Ajandaha shirka ayaa waxaa ugu waaweynaa:
no images were found
- Wacyi galinta Jaaliyada iyo dar-dar galinta Dacwada.
- Xoojinta wada Shaqaynta iyo iskaashiga Masaajida iyo Maraakista Soomaalida.
- Midaynta Waqtiyada Salaada waqtiga Kulaylaha ama Summer-ka iyo Suxuurta Bisha Ramadaan ee barakaysan.
Soo dhawayntii ka dib ayaa shirka waxaa si rasmi ah u furay : Dr Cabdirisaaq Maxamuud Takar oo ka hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen; muhiimada kulanka iyo baahida loo qabo in Masaajidada Soomaalida ee UK ay isku xirnaadaan oo ay iskaal may staan iyaga oo fulinaya Amar Allaah:
(وَتَعَاوَنُواْ عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلاَ تَعَاوَنُواْ عَلَى الإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ … الاية)
Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhamaystiran
Halgan.net
London