Nadwo Diini ah oo ka bilaabantay Masjidka Al-Nuur ee magaalada Hargeysa
May 30, 2013 - Written by EditorHargeysa:-Masjidka Al-Nuur ee magaalada Hargeysa ee xarunta S/land ayaa waxaa ka bilaaw day Nadwadii Afraad oo ka mid ah nadwooyin taxane ahaa oo ka socday 3 dii bilood ee u danbeeyey taas oo ciwaan looga dhigay ka digida wax yaabaha lagu halaagsamo, waxa ka qayb qaatay culimo kala duwan waxana looga hadlay mawaadiic kala duwan.Nadwadan ayaa ah Nadwadii Afraad waxaana ciwaankeedu ahaa ولا تقتلوا أنفسكم إن الله كان بكم رحيما Nadwadan ayaa waxay socon doontaa in sha allaahu 2 habeen.
Duruusta iyo Muxaadaraadka ayaa waxaa ka qayb qaadanaya culimadan kala ah.
1-Sheekh Yuusuf Aden Maxamed
2-Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliiki
3-Sheekh Cabdi Qani Xuseyn
4-Sheekh C/raxmaan Aden Cige
5-Sheekh Ciise Maxamuud C/laahi
Nadwadan ayaa waxaa soo agaasimay Mu,asasada AL-KARAM ee dacwada iyo horumarinta Waxanay khitaam iyo gabagabo u tahay nadwooyin soo socday oo aynu odhan karno waxay ku soo beegmeen waqti loo baahnaa waxanay daweeyeen cuduro bulshada haystay.
Ilaahay waxaan ka baryeynaa in uu noo xafido culimada kana abaal mariyo khayrka ay ummadda gaarsiinayaan .Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Muxaadaraadka iyo tawjiihaadka culumada marka ay na soo gaaraan Inshalaah .
Mu,asasada AL-KARAM
Hargeysa