Madaxweynah Jubba oo sheegay in aysan ka qeybgaleyn shir ka dhacaya Muqdisho
October 7, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Sheekh Ahmed Madoobe ayaa shirkiisa jaraa,id waxaa uu si rasmi ah u sheegay in maamulkiisa uusan ka qeyb geli doonin shirka dib u heshiisiinta ee DFS ay ku dhawaaqday in uu ka dhici doono 21-ka bishan Oktobar magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xusay in heshiiskii dhex maray maamulkiisa iyo DFS uu dhigayey in maamulkiisa uu shir u tago Muqdisho ayna tageen magaalada Muqdisho si ay fuliyaan qodobadii lagu heshiiyey shirkii ka dhacay magaallada Adis Abab.
Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaan ayaa sheegay in uuusan qorshaha ugu jirin in ay ka qeybgalaan shir looga arrinsanayo arrimaha Jubbooyinka kaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.
Maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay in shirka dib uheshiisiinta qeybtiisa labaad ay ahayd in uu ka dhaco magaalada Kismaayo ayna ku casumeen madaxada DFS.
Cabdi Yare
Kismaayo