Ciidanka Booliska Boosaso oo qabtay dablaydii dhaca ka geystay Suuqa Dahabka Boosaaso.[Masawiro]
October 22, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa saaka waxaa ay ku soo bandhigeen Saldhiga Bartamaha ee Boosaaso labo dhalinyaro ah oo fal burcadnimo shalay ka geystay Suuqa Dahabka ee Boosaaso.Dhalinyaradaan burcadka ah ayaa shalay dhaawac u geystay labo haween ah oo ka mid ahaa ganacsatada suuqa Dahabka walow markii danbe mid ka mid ah ay u geeriyootay dhaawicii soo gaaray.
Saldhiga Bartamaha ee magaalada Boosaaso ayaa saaka waxaa saxaafada kula hadlay Duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalla isagoo u mahad celiyey ciidanka Booliska ee Boosaaso sidda howl karnimada ah oo ay gacanta ugu soo bandhigeen burcadii falka xun ka geystay Suuqa Dahabka ah ee magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska gobolka Bari Axmed Muuse Yuusf (Jaqanaf) oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dhalinyarada geystay falka burcadnimada lagu soo qabtay saaka guri ku yaal xaafadda News Boosaas waxaan uu taliyuhu sheegay in la qabtay inta badan Dahabkii ay dhaceen burcadu. Ciidanka Booliska Boosaaso ayaa shalay markii ay dhacdadaan dhacday waxaa ay howl galo ka bilaabeen magaalada Boosaaso waxaan ay ku guulaysteen in ay soo qabteen raggii geystay falkaan burcadnimada ah oo ah fal ku cusub magaalada Boosaaso.
no images were found
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ay joogaan ciidamo fara badan oo iskugu jira ciidamo Boolis, daraawiish , nabadsugida, iyo ciidanka Badda oo iyagu saldhiga weyn ku leh duleedka magaalada Boosaso, ciidamadaan ayaa iyagu ah kuwo suga amaanka iyo nabadgelyada waxaan ay habeen walba ay sameeyaan roon dooyin ay ku baarayaan baabuurta iyo dadka soo galaya ama ka baxaya magaalada Boosaaso.
M_M_Deeq
Halgan.net