Sarkaal ka tirsanaa ciidanka DFS oo caawa lagu dilay Jowhar
October 28, 2013 - Written by EditorJowhar:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in caawa lagu dilay magaalada Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya. Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Cumar Hilowle Mooja waxaan lagu dilay meel aan sidaas uga fogayn gurigiisa iyadoo kooxda dishay ay ilaa 7 xabadood ku dhufteen ka dibna ay goobta ka baxsadeen.
Masuuliyiin ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Jowhar ayaa saxaafada u xaqiijiyey geerida Sarkaalka waxaan ay sheegeen in ay samayn doonaa baaritaan ku saabsan cid ka danbaysa dilka Sarkaalkan. Magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/ Dhexe ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka talin jireen ururka Al-shabaab balse ciidamo ka tirsan Dowldda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen.
A/cawaale
Halgan.net