Askari ka tirsanaa Ciidanka sirdoonka Puntlland PIS oo xukun lagu riday
March 2, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa shalay Maxkamadda ciidanka Gobolka Nugaal ay dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan ciidanka Sirdoonka Puntlland PIA oo lagu magacaabo Mahad Siciid Maxamed oo taariikhdu maray ahayd 24 Feb 2012 ku dilay magaalada Garoowe askari kale oo ka tirsanaa isla ciidanka sirdoonka Puntlland PIS oo lagu magacaabi jiray Marxuun Ismaaciil Ibraahim Jaamac.
Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidanka dowllada Puntlland Cabdikariim Xassan Firdhiye oo la hadlay saxaafada maanta ayaa waxaa uu sheegay in askariga la xukumay oo ka tirsa naa ciidanka Sirdoonka PIS uu isku dayey in uu baxsado isagoo howl gal lagu soo qabanayey uu ku dhintay askari kale oo ka tirsanaa ciidanka sirdoonka Puntlland PIS oo lagu magacaabo marxuun Saacid Jaamac ashkir.
Maxkamada Ciidanka dowllada Puntlland ayaa maanta waxaa la soo taagay ilaa 10 askari oo ka tirsanaa ciidanka sirdoonka dowllada Puntlland ee loo yaqaan PIA si loo xaqiijiyo cidda ka danbaysay rasaasta uu ku dhintay marxuun Saacid Jaamac Ashkir arrinkaas oo ciidankii ku jiray howl galku ay cadayn waayeen. Maxkamada ciidanka Puntlland ayaa ka codsatay dowllad Puntland iyo hay,ad daha dowliga in ay bixiyaan in magdhow siiyaan ehelada marxuunka Saacid Jaamac Ashkir oo ku dhintay howl galkii ay ciidanka ku soo qabteen gacan ku dhiigle Mahad Siciid Maxamed dhawaan
lagu fulin doono qisaas.
M_M_Deeq
Halgan.net