Ciidamo itoobiyaan ah oo gawaari looga gubay Deegaanka Teed ee gobalka Bakool
March 21, 2012 - Written byXudur:-Wararka naga soo gaaray gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo kolonyo ah oo ka tirsan ciidanka dalka Itoobiya kuwaas oo ku sii socday Degmada xudur weerar culus lagu qaaday waxaana dagaalka uu socday in ka badan hal saac.
Dagaalka ayaa qaraxay ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay laba jiho weerar kaga dhufteen ciidamada Itoobiya oo marayey deegaan lagu magacaabo Teed oo u dhexeeya degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in ilaa haatan uu socdo dagaalka uuna khasaaro soo gaaray ciidamada Itoobiya warar hordhac ah ayaa sheegaya in gawaari laga gubay ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ku wada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee ka soo talaabay xadka Soomaaliya iyaga oo ku andacoonaya in ay caawinayaan ciidamada DFKM ee Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net