Dagaal ka dhacay saaka degaanka Yurkud ee Gobolka Gedo
March 10, 2012 - Written byDagaal iyo Iska horimaad hubaysan oo u dhexeeya ciidanka DFKM iyo kuwa urruka Al-shabaab ayaa saaka waxaa uu ka qarxay degaan ka Yurkud ee Gobol ka Gedo, dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay dagaal ku qadeen farsiimo ay ciidanka DFKM ay ku lahaayeen degaanka Yurkud. Dagaalka maanta ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid xooggan oo khasaaro balaaran ay soo kala gaartay 2-da ciidan ee dagaalku uu u dhexeeyey iyadoo sababtu ay tahay in dagaalka saaka uu socday in ka badan saacad. Ilaa hadda ma jirto tiro rasmi ah oo la isku halayn karo oo sheegay khasaaraha dhacay inta ay la, egtahay baaxadiisa marka laga sreebo guulo ay kala sheegteen saraakiisha ciidanka DFKM iyo kuwa Al-shabaab ee saaka dagaalku uu ku dhexmaray degaanka Yurkud ee Gobolka Gedo.
Ilaa dhowr dagaal uu kale duwan ayaa ka dhacay degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo iyo Gobolka Jubada Hoose, Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Kenya oo gacan siinaya ciidamo Soomaali ah oo taageersan DFKM ayaa qabsaday degaano dhowr ah halka Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa baneeyey degaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Gobolka Jubada Hoose.
A/cawaale
Halgan.net