Dagaalo culus oo galabta iyo caawa ka dhacay deegaano ka tirsan gobalka Gedo
March 12, 2012 - Written byGedo:-Dagaalo Culus ayaa galabta iyo caawa waxay si xooggan uga dhaceen deegaano ka mid ah gobolka Gedo gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Taraaka oo 55-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyey ciidanka Al-shabaab iyo kuwa DFKM. Dagaalka ayaa waxaa uu qarxay ka dib markii ay ciidamada Al-Shabaab dagaal gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa Ahlu suna oo ay taageerayaan ciidamada Kenya dagaalka galabta ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya. Dagaal ka ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac .
Sarkaal u hadalay ciidanka Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay si weyn ugu naafeeyeen ciidamada huwanta dhufeysyadiina ay ka wada saareen ayna ka gubeen ciidamada Kenya laba gaari oo ah kuwa Tiknikada. Afhayeenka Ahlu-sunna ee gobolka Gedo Sh. Maxamed Xuseen Isxaaq Al-Qaadi ayaa waxaa uu la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Muqdisho waxaana uu guul ka sheegtay dagaalka galab ta ilaa caawa ka socday deegaanka Taraaka wuxuuna sheegay in ay dileen 6askari oo ka tirsan Al-shabaab.
Ilaa caawa waxaa ka socday dagaalo goosgoos ah deegaanka Taraaka kuwaas oo dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada DFKM, Ahlu Suna oo ay baritaarayaan ciidamada dalka Kenya.
A/cawale
halgan.net