DFKM oo maamul u samaysa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

March 11, 2012 - Written by

Hiiraan:-Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha  DFKM  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu magacaabay maamul hoos taga DFKM oo ay yeelan doonto Gobolka Hiiraan, wareegtada oo soo baxday maanta ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cabdi fitaax Xassan Afrax iyo ku xigeenadiisa.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo xilka ay DFKM u magacowday isagoo sheegay in uu horumar gaarsiin doono Gobolka Hiiraan iyo shacabka ku dhaqana uuna wax u qaban doono isagoo ka codsaday in ay maamulkiisa la shaqeeyaan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga DFKM Cabdi Cali Xasan oo isagana la hadalay saxaafada ayaa sheegay in DFKM iyo Wasaarada arrimaha gudaha ay xil iska saarayso siddii maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan looga taageeri lahaa dhinac walba si uu cagahiisa ugu istaago isagoo ugu baaqay in maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan looga fadhiyo in bulshada uu u shaqaynayo uu cadaalada ku maamulo.

Wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga DFKM ayaa ku tilmaamtay mid sharci daro maamul dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho maamul loogu magac daray maamul gobolleed uu yeelan doono Gobolka Banaadir, wasaarada ayaa  sheegtay in dariiqa loo maray maamnulkaas uu yahay mid aan wax sharci ah haysan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online