Gen C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan)oo shirjaraa,id Muqdisho ku qabtay

March 3, 2012 - Written by

Muqdisho:-Abaanduulaha ciidanka DFKM Gen C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan)ayaa saaka shrjaraa,id waxaa uu ku qabatay magaalada Muqdisho waxaana uu ka warbixiyey dagaalo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Suuqa xoolaha wuxuuna sheegay in ay guulo ka gaareen .

Abaanduulaha ciidamada milateriga ee DFKM C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan)ayaa waxaa uu sheegay in ay haatan gacantooda soo gashay magaalada Muqdisho ayna hada wixii ka danbeeya ay ku wajahan yihiin gobollada ay gacanta ku hayaan Ururka Al/Shabaab

Jen C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa waxaa uu sheegay in ay doonayaan in ay qabsadaan wixii haatan ka danbeeya degmooyin ay ka mid yihiin, Balcad, Jowhar, Wanlaweyn, Marka, Afgooye iyo Buulo-burte, wuxuuna sheegay in ay taageero ka helayaan saaxiibadood AMISOM.

Magaalada Muqdisho ayaa saaka degan ka dib dagaalo iyo duqeymo ka dhacay shalay waxaana ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ay wadaan dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow iyaga oo ciidamo xoojin ah keenay goobihii shalay ay dagaalada ka dhaceen.

Taliska AMISOM ayaa dhawaan sheegtay in ay marka ay soo gaaraan ciidamada ay sugayaa ay duulaan ku qaadi doonaan degmada Afgooye iyo deegaanada ay dadka rayidka ah u bara kaceen ee ceelasha biyaha halkaas oo ka taliyaan ciidamada Al-Shabaab.

Dhanka kale Afhayeenka howlgalada Ururka Alshabaab Sheekh Abu Muscab ayaa waxaa uu wacad ku maray in ay kordhindoonaan dagaalada ay kula jiraan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ilaa inta ay dalka ka baxayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee haatan ku sugan magaalooyinka Baydhabo iyo Baladweyne.

A\cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online