Guddoomiyaha Baarlamaanka ee DFKM Shariif Xassan Sheekh Aaden oo Muqdisho soo gaaray
March 25, 2012 - Written byMuqdisho:-Guddoomiyaha baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho markii uu in mudo ah ku maqnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Afhayeenka baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa intii uusan ka soo ambabixin magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in uu kulamo kala duwan la qaatay waxgaradka, saraakiisha DFKM iyo kuwa Itoobiya waxaana uu ka dhawaajiyey in loo madax baneeyo Reer Bay iyo Bakool soo xulida maamuladooda isaga oo xusay 90 cesho ka dib doorasho la qaban doono si loo soo xulo gudoomiyaha gobalka iyo kan Degmada Baydhabo.
Guddoomiyaba baarlamaanka Shariif Xasan ayaa waxaa kale ooo uu sheegay in uu xildhibaano u saaray in ay soo qiimeeyaan xaalada Degmada Xudur oo ay maalmo ka hor la wareegeen ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya.
A/Cawale
Halgan.net