Ma doorashaa Danbi ah Mise Dastuur Qeybtii 2aad W/Q:Abdihakim Diriye
March 1, 2012 - Written byQeybtii 1aad waxaan uga soo hadalnay ereyga hore ee doorasho kanna waxaan ku eegi doonna ereyga kale ee dastuur.Erey bixintiisa waxay ku sheegaan “Heshiis bulsho oo dad ka dhexeeya” Waxaana lugu qayaxaa “Ku heshiin wadaagid iyo kala lahaansho awoodaha iyo kheyraadka” Tani waa qayaxaadda ugu kooban uguna fudud marka la turjumo, maadaama uusan erygu af-somali ahayn, al.muhim waa ujeedooyin
qoran oo qayaxaya waxqeybsi iyo nidaam lugu kala danbeeyo. Dastuur wuxuu xiriir toos ah la leeyahay dabeecadda basharka ee ah noole bulshaawi ah oo isla nool, dhinaca kalena uu ku badan yahay dulmigu, taasoo aan looga maarmin nidaam kala haga. Dastuus wuu jirey xillikasta oo banii aadam joogey dastuurkaas ha qornaado ama afgarasho ha ahaado, ha saxnaado ama ha khaldanaado, noolosha dadku kuma socon karto isdhexyaac.( ( لا یصلح الناس فوضي لا سراة لھم ولا سراة اذا جھالھم سادوا