Machadka Imaam Al-Musani oo laga furay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug(Daawo)
March 21, 2012 - Written byGaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug gaar ahaan dhinaceeda Koonfurta Magaalada oo ay ka arimiyaan Maamulka Gal-Mudug ayaa waxaa si rasmi ah looga furay Machadka Imaam Al-Musani maalintii Khamiista oo ay taariikhdu aheyd 22 rabiicul awal 1433 oo waafaqsan 15-Marts 2012.
Machadka ayaa waxaa lagu baran doonaa Culuumta Shareecada Islaamka iyo Luqada carabiga waxaana furitaankiisa ka soo qeyb galay arday ,dadweyne iyo culuma,udiin si weyn looga yaqaan Soomaaliya oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamuud Sheekh Ahmed (Abu Sheyba).
Sheekh Maxamuud Sheekh Ahmed (Abu Sheyba) oo la hadlay dadweynihii ka soo qeyb galay furitaanka Machadka Al-Imaam Al-Musani ayaa aad ugu dheeraaday ahmiyada ay leedahay barashada Shareecda Islaamka , barashada Luqada carabiga oo fure u ah barashada Shareecada Islaamka.
no images were found
Waxaa kale oo goobta ka hadlay waxgarad iyo Isimo ka soo jeeda deegaanada Galmudug iyaga oo u mahad celiyey culumada waxayna ugu baaqeen dhalinyarada in ay ka faa,ideystaan Machadka Imaam Al-Musani.
M_M Deeq
Halgan.net