Madaxa Jaamacada Bariga Afrika xarunta Gal-dogob oo wafti ka socday dalka Sudan ku sagootiyay Airporka Bosaaso
March 31, 2012 - Written byBoosaaso:-Madaxa Jaamacada Bariga Afrika xarunta Galdogob Dr.Bashiir Warsame Mohamed ayaa maantay ku sagootiyay airporttiga magaalada bosaso ee xarunta Gobolka Bari wafdi ka socday jaamacadda afrika ee caalamiga ah oo ku taala dalka sudan gaar ahaan magaala madaxda dalkaasi ee khartoum . Wafdigaas oo u yimid in ay ardayda aqoontoodu sareyso ee ku dhaqan deegaamada Puntland ay ka qaadaan imtixaano ka dibna ay siiyaan shahaado dugsi sare ayna u qorsheeyeen cidii keenta darajo sare imtixaan kaas ay siin doonaan deeq wax barasho dalka Sudan .
Waxaa uu sheegay masuulka shahadadaasi in ay soo wadaan walaalaha reer Sudaan arimo iyo dadaalo intaasi ka badan oo aan rajeynayno in ay noo keenaan Jaamacaddo gaarsiin doona ardayda dalka dhamaantood heerarka ugu sareeya aqoon kororsiga ama wax barashada Dr Mohamed Al-faatix oo ahaa martida ka socotay dalka Sudaan ayaa markii la sagoontinayay sheegay in uu aad ugu farax sanyahay soo booqashada dowllad Puntland ayna ka go,antahay in ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan wax barashada dalka Somaaliya uuna balan qaaday Dr.Mohamed Alfaatix in ay imaan doonaan bisha 9aad ee sanadka aan ku jirno siina wadayaan dadaalkoda.
Jaamacadda Galdogob
galdogobuniversity@gmail.com