Madaxweynaha DFKM oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

March 13, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya halkaas oo uga qeyb gali doono kulan gudiga amniga ee Midowga Afrika ku yeelan doonto magaalada Addis Ababa .

 Socdaalka Madaxweynha DFKM ayaa ujeedadiisa waxaana warbaahinta u faahfaahiyey Wasiir u dowlaha madaxtooyada DFKM Cabdiraxiim Cabdi Abuukar wuxuuna sheegay in Madaxweyne Shariif uu casumaad rasmi ah ka helay Raisulwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanawi

Wasiir u dowlaha madaxtooyada DFKM ayaa sidoo kale sheegay in madaxada DFKM iyo Itoobiya ay ka wada hadli doonaan xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa in ay ciidamada AMISOM ka howlgalaan deegaanada laga qabsaday Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ku habsadeen qaar ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Baydhabo iyo B/weyne waxayna sheegeen in ay taageerayaan ciidamada DFKM iyo kuwa Ahlu Suna.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online