Madaxweynaha Puntlland oo tacsi ka diray geeridii Madaxweynihii hore ee DFKM Col.Cabdullaahi Yuusuf.(Dhagayso)
March 23, 2012 - Written byMadaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madax tooyada ee Puntlland ee Garoowe waxaa uu tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee DFKM ahaan Madax weynihii ugu horeeyey ee maamulka Puntlland Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo saaka ku geeriyoodaya magaalada Dubai.
Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa xusay in Madaxweynihii hore ee Puntland Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ka geeriyooday shacabka soomaaliyeed oo dhan uuna uga tacsiyeynayo dhamaantood, Siyaasiyiin iyo madaxda ka tirsan DFKM iyo Puntlland ayaa waxaa ay wadaan wadatashi ku saabsan goobtii lagu aasi lahaa Madaxweynihii hore ee DFKM Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Madaxweynah dowllada Puntlland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee DFKM Col. C/laahi Yuusuf loo samayn doono aas qaran uuna ahaa nin ka soo shaqeeyey horumarka iyo nabadgelyada ka jirta degaanada Puntlland , Cabdiraxmaan Faroole ayaa xusay in shacabka Puntlland iyo dowlladiisuba ay mudo 3 maalin ah u samayn doonto baroor diiq. Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaaraha DFKM ayaa iyagana waxaa ay tacsi u direen qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee DFKM Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed , Madaxda DFKM ayaa sheegay in ay gudi u saareen qaabkii iyo goobtii lagu aasi lahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Hoos ka dhagayso Madaxweynaha Puntlland Cabdiraxmaan Faroole
[audio:https://halgan.net/Mp3/Madaxwaynaha-puntlland.mp3]Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee DFKM Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed loo samayn doono aas qaran uuna ahaa nin siyaasada Soomaaliya in badan ku soo jiray isagoo alle uga baryey in janada fardawso uu geeyo , wuxuu kale oo uu xusay in gudi loo xilsaaray aaskiisa ay howshiisa geli doonaa. Halkaan riix Tacsi ay direen Madaxda DFKM
Dhinac kale Madaxweynaha S/lland Axmed Maxamed Siilaayo ayaa tacsi u díray qoyska iyo Ehelad uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore DFKM ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntlland Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed , Siilaayo ayaa sheegay in Cabdullahi Yuusuf ay ka soo wada shaqeeyeen dagaalkii ay kula jireen dowlladii Kacaanka ahayd ee uu Madaxweyne ka ahaa Gen.Maxamed Siyaad Bare oo 21 sanno ka talinaysay dalka Soomaaliya iyadoo markii dowlladaas ay burburtay aan wax dowllad ah laga yagleelin dalka Soomaaliya dalkana ay ka dhaceen dagaalo qabiil iyo kuwa siyaasadeed oo waji kale duwan leh .
M_M_Deeq
Halgan.net