Meydii Madaxweynihii hore ee DFKM oo la gaarsiiyey magaalada Muqdisho(Masawiro)
March 25, 2012 - Written byMuqdisho:-Meydkii Madaxweynihii hore ee DFKM marxuun Col Cabduulaaho Yuusuf Axmed ayaa saaka laga soo dejiyey garoon ka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, Garoonka diyaaradaha ee Aadaan Cadde ayaa xiligaas waxaa ku sugnaa masuuli yiinta ugu saraysa ee DFKM gaar ahaan Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sheekh Axmed ,Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ,Gudddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan , Xilibaano ,Wasiiro , wasiir ku xigeeno iyo Saraakiil Ciidan.
Markii salaadii Janaasada lagu tukaday Madaxweynihii hore ee DFKM ahaan Madaxeynihii ugu horeeyey ee Puntlland Col. Cabdulaahi Yuusuf ayaa goobta waxaa ka hadlay masuuliyiinta ugu saraysa DFKM waxaan ay mar kale tacsi u direen dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo eheldii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore eee DFKM Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Intaas ka dib ayaa waxaa Meydkii Madaxeynihii hore ee DFKM Col Cabduillaahi Yuusuf Axmed loo soo duulimayaa magaaada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugayaan Madaxda dowllada Puntlland , Isimo iyo qaar ka mid ah eheladiisa oo doonaya in ay wax ka aasaan saaka iyo dad weynaha magaalada Gaalakcyo.
no images were found
Ciidanka daraawiishta iyo kuwa Madaxtooyada ayaa aad u adkeeyey amaanka magaalada Gaalakcyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan Garoonka diyaaradaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin madaxda dowllada Puntlland, saacadaha soo socda ayaa la filaaa in meydka marxuun Col.Cabdullahi Yuusuf la geeyo magaalada Gaalakacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaas oo lagu aasi doono.
A/cawaale
Halgan.net