Qarax ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

March 8, 2012 - Written by

Hiiraan:-Warar naga soo gaaraya magaalada Beledweyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miino ah lala bartilmaam saday gaarí ciidan oo ay saarnaayeen Ciidamo itoobiyaan ah oo marayey gudaha magaalada , Qarax ayaa markii uu dhacay waxaa goobta qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa Itoobiya waxaan ay bilaabeen howl galo iyo baaritaano.

Ciidanka Itoobiyaanka ah ee qarax lala beegtay ayaa waxaa ay rideen  rasaas fara badan iyagoo dhinac walba u riday rasaasta , ilaa hadda ma cad in wax khasaaro ah uu ka dhashay rasaasta ay fureen ciidanka Itoobiyaanka ah ee qarax lala beegsaday.Ciidanka Itoobiya ee qab saday magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ilaa intii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada waxaa lala beegsaday qaraxyo iyo weeraro kaga imaanayey ciidanka urruka Al-shabaab ee ku sugan daafaha iyo duleedka magaalada.

Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa u qeybiyey ciidankooda kooxo yar yar oo weeraro gaadmo iyo qaraxyo la beegsaday ciidanka DFKM iyo Ciidanka Itoobiya waxaan ay fariisamaha ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ay ku qaadeen dhowr weerar oo ay ku gaarsiiyeen khasaaro kale duwan.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online