Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Maxamed oo u dhoofay dalka Kenya
March 29, 2012 - Written byMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacyo ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha DFKM ayaa waxaa ay ka qayb geli doonaa shir looga hadlayo arrimaha amaanka ,siyaasada dalka Soomaaliya (Roadmap-ka.) ee beesha caalamku ay garwadeenku ka yihiin.
Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr.Cabdiweli Gaas ayaa intii uusan ka dhoofin isag iyo wafdigiisu waxaa uu saxaafada uga waramay u jeedka safarkooda waxaan uu sheegay in shir ku saabsan amaanka iyo siyaasada Soomaaliya ay uga soo qayb galayaan dalka Kenya uuna socon doono shirku hal maalin oo kaliya.
Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr.Cabdiweli Gaas ayaa xusay in shirka ka dhacay dalka Kenya ay beesha caalamka uga warami doonaa xaalada dalka Soomaaliya iyo wax yaabihii u qabsoomay DFKM iyo weliba guulaha ay gaareen ciidanka DFKM oo taageero ka hellaya ciidanka dalka Itoobiya iyo Kenya.
Shirka ka dhacay dalka Kenya ayaa waxaa kale oo ka soo qayb gali doona xubno ka tirsan beesha caalamka iyo safaaradaha ajnabi ga ee ku sugan dalka Kenya , ururda iyo dowllada taageera DFKM ayaa waxaa ay ka sugayaan masuuliyiinta ugu saraysa DFKM in howlihii laga sugayey iyo hishiiyadii Kampala ay dhaqan geliyeen iyo in kale.
A/cawaale
Halgan.net