Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

March 11, 2012 - Written by

Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safaro shaqo oo uu ku soo kala bixiyey dalal fara badan. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro, xildhibaano, Guddoomi yaha Gobolka, ururada Haweenka Gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu horreyntii Ra’iisul Wasaaraha waxaa la gudoonsiiyey oo qoorta loo suray ubax, ka dibna waxuu gacan qaaday dhammaan qeybihii bulshada kala duwanaa ee halkaas ku soo dhoweeyey. soo dhoweyntan ayaa aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo muujineysey sidda shacabka Soomaaliyeed ay u taageersan yihiin waxqabadkii Ra’iisul Wasaaraha.

no images were found

Soo dhoweynta ka dib Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas kula hadlay saxaafadda kana warbixiyey safarkiisii shaqo. Ugu horreyntii waxuu u mahadceliyey Haweenka Soomaaliyeed oo uu sheegay in 8dii Maarso uu ka maqnaa dalka, xusayna in Haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarka bulshada isla markaana ay Xukuumaddu ku dadaali doonto in xuquuqdooda gaarka ah dib loogu soo celiyo oo uu sheegay in 30% laga siin doono tirada ergada Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka cusub.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay shirkii London inuu ahaa mid najaxay oo caalamka oo dhan u soo jeediyey Soomaaliya isla markaana lagu ballanqaaday in Soomaaliya lagu soo caadi soo celinta sharaftii iyo karaamadii shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska doorkii hoggaamineed ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxuu ku tilmaamay safaradii uu ku soo kala bixiyey Brussels oo ah xarunta Midowga Yurub, Norway iyo Sweden kuwo guul ahaa oo dhammaan dalalkaas ay soo dhoweeyeen dadaalada Roadmap ka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka amniga. Waxuuna sheegay inay wada ballanqaadeen inay ku saacidaan dowladda sidii loo soo afjari lahaa xilliga KMG ah.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu kulamo la soo qaatay Soomaalida Qurbo joogta ah ee dhammaan waddamadii uu tegey warbixin buuxdana ka sii yey xaaladda dalka isla markaana uu ugu baaqay qurbo-joogta inay dalka dib-u-dhiskiisa ka qeybqaataan.

 

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu Nairobi kula kulmay diblomaasiyiinta daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Safiirka Mareykanka, Norway, Italy iyo Ambassador Mahiga oo uu dhammaan kala hadlay xaaladda dalka kana codsaday in shacabka soomaaliyeed lagu taageero qorshaha soo afjarista xilliga KMG ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu kulan dheer shalay fiidkii la qaatay Wendy Sherman oo ah Ku-Xigeenka Hillary Clinton oo ay ka wada hadleen arrimaha amniga, dastuurka, dib-u-habeynta baarlamaanka iyo sidii loo saacidi lahaa gobolada iyo degmooyinka laga xorreeyo Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu u ballanqaaday Mareykanka in xilliga KMG ah la soo afjari doono August oo shacabka Soomaaliyeed aanay oggoleyn in muddo kororsi la sameeyo, waxuuna sheegay in qorsheyaashii loogu gudbi lahaa dowlad rasmi ah ay degsanyihiin dhowaana la rajeynayo in ergooyinka soomaaliyeed ee gaaraya 1000 la isagu keeni doono Muqdisho si ay u ansixiyaan dastuurka, isla markaana la soo xuli doono baarlamaan kooban oo tayo leh.

 

Soo dhoweyntii maanta la soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha ayaa aheyd mid si aad ah looga doodayey magaalada Muqdisho, shacabkuna ay aad ugu faraxsanaayeen inay soo dhoweeyaan Ra’iisul Wasaarahoodii oo guulo waaweyn ka soo hoyey xiriirka beesha caalamka iyo Soomaaliya.

 

 

—-Dhamaad—-

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online