Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo maanta gaaray Baladweyne
March 27, 2012 - Written byHiiraan:-Waxaa maanta duhurkii gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM halkaas oo ay soo indha indheyn doonaan xarumaha la dajin doono bisha April ciidamada AMISOM oo lagu wado in la geeyo magaalada Baydhabo iyo Beledweyne.
Wafdiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay saraakiil ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM waxaana ay gaarayaan ilaa 10 sarkaal waxayna hordhac u yihiin ciidamada AMISOM ah oo la geyndoono gobalada iyo deegaanada ay qabsadeen ciidanka Itoobiya oo kaabaya kuwa DFKM iyo Ahlusuna (Suufiyada).
Garoonka Diyaaradaha ee Ugaash Khaliif ayaa waxaa ku soo dhaweeyey saraakiisha AMISOM iyo kuwa DFKM Masuuliinta Maamulka Gobalka iyo kan Degmada ee magaalada Baladweyne.
A/Cawale
Halgan.net