Sh Maxamed Idirs oo ka qayb galay Xaflad Qalin jebin ah oo ka dhacday Johannesburg
March 4, 2012 - Written byJohannesburg:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 4/3/2012 ayaa waxaa dhacday xaflad qalin jabin ah, taasoo lagu maamuusayay ardayaddii ugu horeysay ee quraanka ku dhamaysay muddo sanad iyo hal bil ah , ayadoo mudadaa laga reebay iskuulka si ay Kitaabka Ilaahay u xifdi yaan, Xafladdan waxaa lagu qabtay masaajidka Imaamu Shaafici ee magaalada Johannesburg, halkaasoo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan, isuguna jira rag iyo dumar, waalidiinta ardayda, iyo macalimiinta madrasada al bayaan, iyo masuuliinta Majlisul Bayaan Al Islaami Sheekh. Xassan Guure
Guddoomiyaha, iyo Sheekh Axmed Abdi Secr. Iyo masuuliin kale, waxaa kale oo xafladda marti sharaf u ahaa Sheekh. Maxamed Idris, oo maal mahan booqasho dacwadeed ku joogey dalka South Africa, halkaasna kelmad ka jeediyey. Xafladda waxaa lasoo safay ardayda Madrasada Al bayaan oo uu hogaaminayey Macalin Cali oo ah Maamulaha Madarasada, waxaa lagu furfuray Qur,aanka kariimka, waxaa aayado akhrisay gabadha qalin jebisey muddo sannad gudeheed ah, waxaa ardaydu soo bandhigeen is waraysi afka carabiga, maah maah yo af-soomaali ah oo may iyo maxaa tiri leh, riwaayad yar oo ka hadleysa qiimaha cilmiga.
Waxaana la gudoonsiiyey gabadha xaafidda ah abaalgud, sidoo kalena macalinkeedi Macalin Ibrahim oo isagana abaal gud la guddoon siiyey, dadaalkii uu bixiyey, wuxuuna macalinku sheegay gabadhaan sida ay u dadaashey waalidkuna ugu dadaaley, mudadaa sanadka ah inaaney maalinna dugsiga ka maqnaan. Xafladda waxaa kelmad isna ka jeediyey Amiirka Albayaan Council, Sh. Xassan Guure, kadibna waxaa lagu soo khatimay, gabar yar oo saddex sano jirta oo dugsiga dhigata, si cajaaib lehna u akhrisay suuratu Camma, oo dadku aad ugu riyaaqay Allaha dhawro, iyo gabagabadii ducadii uu ummadda u duceeyey Sh.maxamed Idris.
Ahmed Mohamoud Abdi
Xoghayaha Albayaan Council,
Johannesburg
Email: majlisalbayaan@gmail.com
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
2 Comments so far
Leave a comment
Maashaa Allaah waa wax qof kasta oo iimaan yar ku jiro uu ku farxayo, Ilaahay Culumada iyo ducaada dadaalaysa hanoo xifdiyo. Waxaan ku faraxsanahay sidoo kale inaan ka arko qoraalkaa magaca saaxiibkay Sh.Xasan Guure oo aanan arag muddo 19 sano qiyaastii. Ilaahay ha xifdiyo ubadka Islaamka oo dhan khaas ahaan kuwo Soomaalida.
ASC MAASHAA ALLAAH
AJAR IYO XASANAAD BADAN ALLE HA DINKA SIIYO DADAALKIINA AAD UU MUUJISEEN
WAA WAX LAGU FARXO INAAD CARUURTIINII HALKAA DIINTOODII KU BARTAAN IDINKOO KU NOOL DHUL ISLAAMKU KU YAR YAHAY
MARKA WAXAAN IDIN LEEYAHAY ALLE HAYDIN BARKEEYO HANA IDIN XAFIDO , DHIBKA GALDANA HA IDINKA DHOWRO , DADAALKIINANA HA IDIIN BARAKEEYO