Socdaalkaygii Mozambique – Qaybta 4-aad W/Q: Sheikh Maxamed Idiris Axmed

March 16, 2012 - Written by

Mozambiqu:-Alxamdulilahi wasalatu wasalamu cala rasuulilahi wa bacdu: Masjid Abubakar – Nampula .Magaalada Nampula ee Dalka Mozambique ayey Soomaalidu u badan yihiin sidaan horay u xusay. magaalada wexey Soomaalidu ka asaastay Masjid fiican laguna magacaabo Masjid Abubakar..Meelaha adduunka Muslimiintu degaan iney masaajid ka hirgeliyaan waa arrin wanaagsan, waana inuu noqdo camalka ugu horreeya oo ay qabtaan..Waana wadadii Nebigeenna calayhi salatu wasalaam, markuu madiina yimi, wuxuu ka bilaabay Masjidkiisa inuu dhiso..Saxaabadiina sidaas ayaa laga sheegay 4 haddeey meel ama wadan yimaadaan iney Masjid kanua hirgelin jireen..waxaa arrinkaa si wanaagsan ugu jajaban walaaleheenna Reer Asia, gaar ahaanna Hindida, oo meesha ay 3 nin ka joogaan ay yartahay in Masjid laga waayo.

Masjidkan Abubakar ee Nampula wuxuu ku yaallaa Xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay..oo deegaan ahaan iyo ganacsiba ay ku leeyihiin, makhaayado yar yarna wey ku leeyihiin ay habeenkii ku caweeyaan..Masjidka dhulkiisu ma baaxad weyna laakiin kor ayaa loo qaadayaa oo hadda dabaqii labaad ayaa gabagaba ah, mid saddexaadna in la saaro waa lagu tala jiraa inshallaahu..Masjidka dhul kasoo horheeda oo baarar iyo dukaamo yar yar leh waxaa la hunguriyaynayaa in la iibiyo, si qayladoodana masjidka looga dheereeyo, dhulkaasna Masjidku u isticmaalo Mustaqbalka inshallaahu

Khudbadii Jimcaha

Qaabka khudbadda jimcaha loo akhriyo dalalkaan koonfurta afrika la isku yiraahdo waa qaab ka duwan midkii aynu niqiiney..Waxaa khadiibku marka hore intaanu minbarka fuulin, asagoo fadhiya ama taagan dhulka, uu jeediyaa wacdi ku saabsan mawduuca uu ka hadlayo, oo luqada dalka ah, ama waa loo turjumaa, south africa badanaaba af ingiriisi, Mozambique waa af bortuqiis…kadibna imaamku minbarka ayuu labadii khudbadood ee fadhiga yar u dhexeeyey ku akhriyaa luqada carabiga, midaan dambe wey gaabantahay..sidaa darteed waxaan bayaankaas hore ku akhriyey luqada carabiga, kadibna waxaa turjumey nin dhalinyara ah oo khamiis la yiraahdo, oo dalka Mozambique u dhashay, wuxuuna ku turjumey luqada portuqiisa oo dhadhameysa qaabka uu u ridayey, waxaanan kelmadaha qaarkood ka fahmayey, portuqiiska wexey walaala yihiin luqadaha talyaaniga iyo spanishka, hadaad kuwaas wax ka taqaan wey fududahay inaad fahamto bortuqiiska..kelmadda waxaan gundhig uga dhigay astaamihii ilaahay ku sifeeyey Muhaajiriin iyo Ansaar kagana raalli noqday, guushana ay ku mutaysteen, waxaanan kasoo qaatay 10 astaamood, kadibna waxaan sheegay astaamaha dadka labadaas qolo wadadooda raaca, iyaguna iney haleelayaan, waase haddey la yimaadaan astaanta lagu sifeeyey oo ay asal u tahay, iney u duceeyaan oo dembi dhaaf ilaahay u weydiiyaan, naftooda, iyo walaalohooda  iimaanka uga horreeyey, hortoodna wadada islaamka, dacwada,  jihaadka iyo hijrada soo maray, qalbigana qof muslima aaney xumaan ugu hayn, waana calaamadda koowaad ee shardi u ah iney maraan wadadii Muhaajiriin iyo Ansaar..

Baraarujin Muhiima

Waxaan kelmaddayda ku xusay : waxaad dareemeysaa marka aad u fiirsato aayadaha Qur’aanka Kariimka, dadka Ilaahay jidkiisa u jihaada, dacwada u wada, Nebiyadana raaca, iney ku suntan yihiin: Mar walba iney naftooda tuhmaan, dembigooda ka baqaan, Ilaahay dembi dhaaf weydiistaan…taasoo tusineysa sidey isula yar yihiin, ikhlaaskooda cabsi uga qabaan, tawaaducoodu u badan yahay..Sifada ama Astaanta midaas kasoo horjeedda, waa dadka wadadaas ka leexda oo ku suntan: islaweynaan, camalkooda saalixaa oo la weynaada, heer ay dadka kaleba yasaan wexey hayaan, oo qof aan isaga ahaynba uma haysto inuu camal hayo, dembiyadooda oo aan u muuqan, aaneyna ka biqin, dembi dhaafna ka weydiisan Rabbiga weyn Subxaanahu watacaalaa..marka haddaad isku aragto markaad naftaada dib isugu noqoto, waxaad camal saalixa qabataa inuu kula weynaado, kuna hilmaansiiyo, inaad dembi badantahay, cadawgaaga koowaadna dembigaaga yahay, sidii laga weriyey Amiirul Mu,miniin Cumar Ibnul Khaddaab Radiyallaahu Canhu, inuu ku oran jirey Ciidamada Islaamka: (cadawga gaalada waxyeelladooda waxaan idiinka cabsi badnahay dembigiinnu wuxuu idin yeelo), waxaad haysaa wada saxa inshallaahu, marwalbana waxaad Rabbi weydiisaneysaa inuu kuu dembi dhaafo..kuna sugo, cadawgana ilaahay kaaga gargaaro.. Haddii laakiin aad isku aragto: in camalkaaga saalixaa kula weynaado, heer aad dadka kale camalkooda yaraysato, ama yasto, oo dembigaaga hilmaanto, kan dadkuna kuu muuqdo, ilaahow ii dembi dhaafna aadan oran, waxaad ogaaneysaa inaadan wadadii saxa ahayd hayn, una baahan tahay inaad isa saxdo…fahamkaas waxaa si wanaagsan u caddaynaya aayadaha 146-148 Suuratu Ala Cimran.

Astaanta labaad ee dadkaa raacay wadadii Muhaajiriin iyo Ansaar waa iney u duceeyaan, wanaag iyo qadarin u hayaan, kuwii uga horreeyey wadada iimaanka iyo camalka saalixaa..kuwan gadaal ka yimi hadalkoodu wuxuu yahay: ( Ilaahow annaga iyo walaalahaya iimaanka nooga horreeyey noo dembi dhaaf, qalbigayaga ilaahow ha gelin nacaybka kuwa ilaahay rumeeyey).. Suuratul xashri aayadda 10aad.. Kuwii hore ee Nebiyada la socdeyna hadalkoodu, wax kale maahayne, wuxuu ahaa : ( Rabbiyow noo dhaaf dembigayaga, iyo macaasida aanu naftayada ku baabi’inay, dhulka korkiisana ilaahow nagu sug, oo nooga gargaar kuwa kugu gaaloobey)..

Walaaltinimadaas iimaanku marna ma go,do, jeer uu qofku islaamka ka boxo..xitaa haddey is khilaafaan, ama is diriraan, sababtu wax kastaba ha noqotee, walaaltinimada iimaanku ma go’do.. Iimaanka ayaa walaaleeyey..sida gaalnimadu u walaalaysay Yuhuudda iyo Munaafiqiinta, oo ilaahay walaala iney yihiin ku sheegay, iyagoo kuwana carab ahaayeen, kuwana yuhuud ahaayeen, haddana Ilaahay aayaddaas Muslimiinta kuwa hore iyo kuwa dambe oo walaalohood u duceynaya uu ka sheegay, aayadaha ku xiga ayuu kuwa gaalnimada ku walaalowbeyna kaga hadlay, wuxuuna macnaha aayaddu yahay: ( Ma aragtay kuwa Munaafiqiinta ah oo ku leh walaalohooda gaaloobey ee ahlu kitaabka ka mid ah,haddii laydin bixiyo waa idin la bexeynaa, hadii laydin la dagaalamana waa idin la dagaal geleynaa, Ilaahayna wuxuu markhaati ka yahay iney beenaalayaal dhaba yihiin)…

Ujeedada khudbadduna wexey ahayd is xasuusin Muslimiinta wadankaa ku dhaqan, Soomali, Mozambique, Asian iyo Africa kaleba, iney walaala iimaanka kuyihiin, haddeey astaamihii walaalihii iimaanka yeeshaanna ilaahay siinayo wixii walaalohoodi hore la siiyey..hadeyan yeelanna aaney helihayn yabooha ilaahay oo ah dembi dhaaf, janno, walaaltinimo iyo is jeclaan, guul iyo qaniimo..

Masjidka dadka ku tukaneyey waxaan is iri waa kala bar Soomaalida iyo dadka kale ee wadanka iyo Afrikada kale ka yimid..labada dabaqna wey buux dhaafeen..

Muxaadaradii Midnimada iyo Manhajka firqada Badbaadey!

Habeenkii Sabtidu soo geleesey waxaan Masjidka ka jeediyey, Muxaadaro cinwaankaas leh, oo Jaaliyadda reer Mozambique iga codsadeen inaan ka hadlo, Masjidka aad ayaa loo soo buuxiyey rag iyo dumarba..Dadkuna dhalinyaro ayey u badnaayeen..waa arrin aad u wanaagsan..Ummadi wexey ka dhisantaa ama ka duntaa dhalinyarada, hadey wada fiican oo wax tar u leh ummadda qaadaan iyo hadeey ka marin habaabaan.. Mawduucu waa mid aan jeclahay, marar badanna waan ka hadley, meelo iyo munaasabado kala duwan, waxaan badanaaba ku bilawdaa inaan Ilaahay weydiisto inuu kelmadda xaqqa ah carabkayga ku sugo, isagaa Rabbi Subxaanahu watacaalaa, wax suga, dadka dhegeysanaya ama dhegeysan doonana waxaan ilaahay u weydiiyaa inuu qalbigooda iyo dhegohooda u furo..waxaan isku dayaa in hadalkaasu niyadda iyo wadnaha kasoo go,o…Sayid Qudb, Allaha u Naxariistee, wuxuu yiri hadal macnihiisu yahay: ( Waxaa baaqi noqda oo waara hadalka niyadda iyo wadnaha kasoo go’a, oo qalbiga ka quuta, haduusan hadalku qalbiga ka quudan meel ma gaaro..hadalkeenuna hadduu mid niyadda iyo wadnaha ka quuta yahay, oo aynu u dhimanno, innagoo adduunyada ka tagnay, ayaa hadalkaas nololi gashaa, oo uu dadka ku dhex noolaadaa) waana hadal saxa, Sayyid Qudb Raximahullaah, waxaa la dal daley 1966. Waxaana loo diley oo keliya wuxuu islaamka ka qoray sida buugaagtiisa badan ( fii Dilaalil qur,aan) ( Macaalim Fi Dariiq) ( haada diin) ( Al Mustaqbal Li Haada Diin) ( Xaqiiqatul Tassawur Al Islaami) (Mashaahid Al Qiyaamah Fil Qur,aan) iyo kuwa kaloo badan, maanta kuwii diley wey dhinteen, warkooduna waa dhintay iyo raadkooduba, Sayyid na waxaad moodaa inuu adduunka ku noolyahay, sida kutubtiisa oo luqada badan loo turjumey dadku ugu intifaacaan, ugana faaiidaystaan..

Haba iska noqoto sheeka taraaraxe, berigaan bilaabay inaan wax qoro bilawgii sideetameeyadii, waxaan wax ku qori jirey joornaalo sucuudiga kasoo baxa, waxaan aad isugu deyi jirey inaan kutubta suugaanta iyo xirfadda qoraalka wax badan ka akhriyo. Waxaase raad weyn igu reebay, Usluubka Sayyid u qori jirey Luqada Carabiga, anoo akhriyey kutubtiisa oo dhan iyo kuwa walaalkiis Maxamed,  waxaadna kutubta Sayyid ka dareemeysaa iney tahay, Luqad nololi ku jirto, heer aad dareento, kelmadaha qorani iney hadlayaan, oo soconayaan..

Mawduuca Midnimada, oo aan wax badan ka hadlay saan sheegay, waxaan is leeyahay, waa meesha ummaddeenu maanta u dhimaneyso..in la fahmana ay ku xirantahay horumar ay ummaddu gaarto dhan walba..Mar kasta oo aan adduunka marana waxaan ku eegaa anoo ka fiirinaya daaqadda inta dadka aan dhex mareynaa faham sanyihiin, muhiimadda midnimada, wada jirka ummadeed, iyo wax wadaagga dadka isku meel ku nool..Dadku meela badan ayey ku kulmaan..waxna waa dhex maraan markey hal meel kuwada nool yihiin..waxaa dhici karta iney dhul ku kulmaan..Doon iney ku kulmaan ka dhexeysa badda dhexdeeda..Daar iney ku wada jiraan..Xabsi iney ku wada jiraan oo isku hal meel ku wada xiran yihiin…bani aadamka sidiisaba waxaa la yiraahdaa waa ( Makhluuq Bulshaawi) ah..yacni wax wada qabsada..Ibnu Khalduun Raximahullaah ayaa aad arrinkaa u faalleeya..Xabbadda Rootigaa oo aad cunto, tusaale ahaan, immisa qof ayaa kasoo qayb qaadatay ilaa ay gacantaada iyo afkaaga soo gaadho..Qof ayaa beerta mireheeda ku ridey..Mid kalaa faagey..Mid kalena waa waraabiyey…mid kale ayaa ilaaliyey..mid kalena waa koriyey..mid kalena waa soo gooyey…midna waa cabbeeyey…midna waa suuq geeyey…midna waa soo iibshey..ku kalena waa shiidey…ku kalena waa dubey…ku kalena waa soo gaday oo kuu keenay…immisa gacmood ayaa xabbadaas rootigaa iney afkaaga soo gaarto ka shaqeeyey..wax walbana taas uga tusaale qaado..keligaa intaasoo dhan ma samayn kartid…

La soco sheekada…..Socdaalkaygii Mozambique….

12 Comments so far

Leave a comment

  1. Assalaamu Alaykum. Aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinaya Sheekh Muxammad Idris oo isku darsaday inuu afka iyo gacanta ummadda wax ugu sheego, taas oo kadhigayso sheekh wax badan kaduwan culimada ay kuwada jiraan saaxada dacwada.
    Waxyar kahor inta aan maqaalkaan akhrin ayaan waxaan daawaday cajalada qaymo badan oo ay duubeen culima kala duwan oo runtii soo aruuriyey macluumaad muhiim ah sida muxaadara Sheekh Mustafa X. Ismaaciil.
    Waxaan isweydiyey sababta ay sheekhyadan uqori la’ayihiin afkaartaan qaymaha badan iyo baaritaankaan qeymaha badan.
    Daaciga maanta waa inuu lajaan-qaadaa dhallinyarada iyo asaaliibta cusub ay wax laysku gaarsiiyo.
    Ugu danbeyntiiw waxaan sheekha ku baraarujinaya inuu buug ka diyaariyo safaradiisa dacwada iyo taariikhda tacwada ee Allah jaaniska usiiyey inuu kutago meelo badan. Haddii ay caawo utimaado tii Alle buugiisa ayaa ummadda uharayo, wuxuuna noqonaya camal daa’im ah.
    Adinkana aad iyo aad ayaan umahadsantihin haddii aad tihiin dhallinta soo galisay ee bahda Halgan iyo kuwa tacliiqa saaray intaba.
    Waa walaalkii Adam Abuzuhri oo idinleh Allah dartiis ayaan idin jeclahay.
    Wasalaamu alaykum

  2. Asc shiikha iyo akhyaarta kalaba waaan salaamayaa salaanta islaamka ee kor ku xusan salaan kadib walaal abubakar osmaan ano kula joogaa nampula baa kuu haya ciwaanka shiikha ee ila soo xiriiri waadna mahadsantahay waa walaalka sayid cumar

  3. To Abubakar osman

    walaal soo qor email laguugu soo diro ciwaanka sheikha hadii ale idmo

  4. Asa’allaamu Calaykum

    Allaah haku barkeeyo waan la socdaa qoraalkaaga kulina waa wax aad umada ugu faaiideysey allaah hakaa abaal marsho

  5. Salan kadib mahad ilah ayey usugnata kadib waxan ad u.gumahadcelinaya shekheyna qaliga ah ilah hadhafo danbigisa kadib inta waxan aha mid kamid ah dhalinta kunol magalada nampula e nasibka uyesha inu ka faideysto 3 muxdaro e u inojediya shikhu kuwa o kubaxaya luqada somaliga iyo waliba muxadaro kale e lojediyay walalehen galbedka afrika kasojeda tas okubexeysa luqada carabiga tas o kusabsaned {IIMANKA} tas o shikhu uqeybiya 10qeybod inta kadib waxan codsanaya inusan shikhu hilmamin halkan an jogno o u lazimo boqashoyinka nucan okale ah kadib waxan kacodsanaya dhaman aqristayasha iney iso shegan cinwanka sheikha o an rabo inan sualihi dinta e an ubahdo anweydisto tell ama address qofki haya wabilahi towfiq BY ABUBAKAR OSMAN

  6. sh.Mohamed idris asalama calaykum w wa
    Allaha ku xifdiyo adiga iyo culimada kale
    asalaama calaykum

  7. jizaakallaahu khayran sheekheenna mubaaraga ahaw allaah jalla wacalaa ha ku xafido adigoo kalena umada islaamka ah ha ku badiyo, anigu waxaan ahay nin reer gedo ah mar kasta oon arko sheekh maxamed oo sodcaasl ku tagay meel ka mid ah meelaha jaaliyadaha somaaliyeedi degaan ama gudaha dalka ama dibadiisa waxaan jeclaystaa inuu maruun gobolka gedo imaan lahaa,laakiin hadana waxaan sheekha uga naxaa gobolka oon ahayn gobol degen ee ah furin dagaal, waxaanse hubaa inuu imaan lahaa wax qabadkiisa wanaagsanna gelin lahaa hadii gobolku degenaan lahaa, ilaahay ha inoo kaa xafido sheekhanaa yaa xabiibal quluub

  8. waad mahad santihiin culimada khayrka leh

  9. Asaalamu calaykum sheekh maxamed idiri jasaakalaah khayr allaah hakusiiyo ilaahay dartiis ayaanu kuujecelnahay hadaanu nahay dhalinyarada gobolka sool ee magaalada laascaanood. Qolada sheekha inay waxkasheegto usootafaxaydatayow ogaada weli ilaahaybaad lacolaytanteen abaalkiinuna waa in allaah idinla dagaalamo. Muutuu biqaydikum.

  10. Mahad celinta eebe kadib waxaan umahad celinhaynaa Sheekheena barakaysan Sh.mohamed idriis,gacantaada biri masarto carab kaagana boogi magooyso.
    Akhristoow hadaad maqaalka sheekha wada aqrido waxaad dareemi inuu kaduwan yahay kuwii hore waxaana kabuuxa wacdi,waano,wax sheeg,kudayasho muhaajiriin iyo ansaar,waxaa qalbigayga kusoo dhacday walaalkii watay magaca Muhamed iyo saaxiibadii ee qoraaladii hore ee Sheekh aad faalada ugabixinhayay toloow maheli doonaan meel ay qoonsadaan ama kabilaabaan qormadan,laakiin anaagaran magaca Sheekha mujarad ay arkaan way is cuncunayaan.
    Walaalkayoow faa iidada ugu wayn ee laga helo nafta oo laxisaabiyo waxaa kamid ah inaad daalacato ceebaha naftaada,qofkaan ceebtiisa barana ma suulin karo iyo inaad naftaada xumaan umalayso hadaad wanaag umaleeso naftaada waxaad halmaami inaad xisaabiso waxaaaba suura galah wanaaga aad isu maleen inaad u aragto xumaan taada kamaal iyo qof alaah dhamays tiray Aloow natoosi oo qalbigeena xumaan hagalinin

  11. Asc dhaamn ummada muslimiinta ah meelkasta oo aay joogto salaan kadin waxaan ahay mid ka mid ah dhalinyarada dagan wadanka muzanbique gaar ahaan nampula waxaa waxa sharaf weyn inoo aheed in uu inoo yimaado shiikh mahamed maasha allah kheer allah siiyo siwanaagsana inoogu wacdiyay maasha allah shiiku waxa oow inala joogay 3maalmood ma aheen oo kaliya dadka uu umuxadareynayay soomalida waxaa sidoo kale muxaadaro loogu qabtay masjidka abuubakar sadiiq muslimiin badan oo isku jirta waxaan leenahay shekh mahamed jazakalaah waana rajeyneynaa in uu markale inoo soo laabto insha allah

  12. Jazakalah Sheekh Max’ed dadaalkaas, kuwa maqla oo ku waano qaata Allaha naga dhigo. Waxaan aad ula cajabay Culimada Masar oo arintaa hada sheekhu ka sharqamiyay ka hadlaya, In Ummada meel wada dagan, ay tahay inay ka shaqeeyaan siday wax u wada qabsan lahaayeen ayna la midyihiin sidii dad doon wada saaran. Sidaan la soconana Masar waxaa ka mid ah dad gaalo ah oo Orthodox ah,kuwo cilmaaniyiin aad u xagjira ah hadana ma aysan oran gaalo iyo gaalo raac baad tihiin ee dalka nooga taga, ee waxay yiraahdeen war dalka waan wada deganahay wuuna na deeqaa ninkii Maslaxada dalka ka shaqaynaya waan wada shaqayn karnaa, sidaas darteed ayay 75/100 baarlamaanka Masar ee cusub ay ugu guuleysteen dadkii Islaamiyiinta ahaa wax kalena maaha Ummadu Islaamka waxba ku doorsan maayaan haday helaan dad Culumo raasikhiin ah oo diinta yaqaan oo og hadyigii Nabiga NNKH iyo kii saxaabada oo kuligiis ku dhisnaa NASTEEXO iyo dadka MUSLiNKA ah oo loo turo dantoodana laga shaqeeyo.

Leave a comment

*