Socdaalkeygii Dalka Mozambique – 1 Sheekh Maxamed Idirs
March 10, 2012 - Written byMahad oo dhan ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisi Nebigeenna Korkiisa ha ahaato, Waxaan dhambaalkan kasoo qorayaa magaalada Nambula, Dalka Mozambique, ee ka mid ah dalalka Koonfurta Qaaradda Africa ku yaal. Waxaan ku soo gaarey booqasho dacwo anigoo ajiibaya casuumadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkan ku dhaqan. Ilaahay Mahadiis waxaan kasoo degney gegida dayuuradaha ee Magaalada Nambuula, aniga iyo Rafiiqayga Safarta Abdirizaq Sh. Maxamed (Mawlana), duhurnimadii maalintii shalay ee khamiista ahayd 8/3/2012, anagoo kasoo kicitimnay magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Africa..
Markii Dayuuraddu dhulka usoo dhowaatey, ayna dulheehaabeysey Magaalada Nambula oo aan maqli jirey, lakiin markan iigu horrayso, waxaan ka eegay daaqadda dayuuradda..Waxaa ii muuqday , dhul geeda gaagaaban leh, oo aad moodo afgooye iyo Wanlaweyn dhexdooda inaad mareyso, buuro aan aad u dheerayn, keli kelina meel u mutuxan, oo aad moodo hal dhagax oo weyn oo meel la qotomiyey, sida buurta dhagaxa ee magaalada Atlanta Georgia caanka ku ah, ee la yiraahdo, (Stone Mountain) waa hal dhagax oo buur ah..Guryaha muuqanaya wexey u badan yihiin jiingad iyo cooshash, magaalada hareereheeda..Bartamaha magaaladu waa dhismayaal gaagaaban. guriga u muuqaal dheer waa dhawr dabaq..
Airporku waa mid yar oo aan ka weyneyn Airporka Muqdisha ee Adan Cadde loogu magic daray..Durba waxaa gudaha noogu soo galay odayaal iyo akhyaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed oo Ganacsato magaalada deggan ah..Wexey dhaqsi noogu dhameeyeen arrimihii Socdaalka..ka dibna banaanka ayaan u soo baxnay.
Jidka aad marayso magaalada kan ugu weyn ahi waa jid afrika ku yaal marka laga reebo, wadamada qaar sida Konfur Africa oo iyadu dal reer galbeeda xisaabsan xagga dhismaha..Saboolnima baahsan ayaa hareeraha wadada ka muuqata..
Dalkan waxaa xagga gumaysiga saami u helay dalka Portugal (brtuqiiska), kaasoo, adduunku waa tilkal ayaame, dalkiisa ay muslimiintu gacanta ku dhigiin inta aaney dhamaan 100 jirkii Taariikhda Islaamka.. Hase ahaatee, 1000 Sano ku dhowaad markuu islaamku jirey ka dib, ayaa Bortuqiisku xeebaha Bariga Afrika, oo Muslimiintu ka talinayeen, ku soo faafay, kadib markuu wadada usoo sahmiyey, Baadarigii kaniisadda iyo Boqorka Bortuqiisku soo caleema saareen, safiir iyo sahan u soo direen, lana oran Jirey Vasco Dagama, kaasoo innaga laynogu sheekayn jirey inuu ahaa badmareen wadada sahminayey..
Berigaas dalka waxaa ka talinayey Muslimiintii Cummaan, ee reer Barqash..Kuwaasoo Mozambique ilaa Marka ilaa Cadale, gacanta ugu jirtey, Dadka Deegaankuna sidaa darted wexey ahaayeen Muslimiin..Hase yeeshee Gumaysigii Bortuqiisku, markuu soo degeyba wuxuu qaadey Olole Kirishtaamayn, diin ka saarid, dhaqan bedelid, cuna qabatayn dhaqaale, aqoon kala diririd dadka meesha deggan. Wuxuu ka taagey Magaalada Nambula Kaniisad weyn, sidaa darted ayaa tiradii Muslimiintu hoos ugu dhacday, oo iyagoo 100% ama tira ku dhow gaarayey, ay hadda gobolkaan ka noqdeen 50 ilaa 60%, kuwaasoo aan aqoon badan, magic mooyee, diinta u lahayn..Kuwa badanina wexey oranayaan, awoogay ayaa muslim ahaa..
Soomaalidu Wexey ugu Badantahay Gobolkan, siiba Magaalada Nambula ee aan hadda joogno. Soomaalida dhulkaan Joogta waa Laba nooc: 1) Ganacsato waaweyn iyo yar yar oo dalka hanta iyo ganacsi ku haysta..2) Qaxooti ganacsatada u shaqeeya rag iyo dumarba, oo ama xeryaha qaxootiga ku jirey ama wadada marayey oo dalal kale u socdey sida Koonfur Africa oo safartu halkan kula go’day..
Magaalada iyo Ganacsiga Soomaalida
Soomaalidu – Ilaahay Mahadiis wexey dalkan ku haystaan sidey ii sheegeen anna aan wax ka arkay ganacsi fiican, balse kuwa Africa ugu fiican, inta aan arkay.. Tiradoodu wey yartahay, qiyaasna tirade somaalida oo dhan 2000 haddii la badiyo koru ma dhaafi karto, laakiin tayada Ganacsigoodu aad ayuu uga fiican yahay dalal badan oo kumanyaal Smaali ahi ku noshahay.. Macnahaas ulama jeed inaan Soomaalida halkan deggan kusoo hoggaamiyo kuwa meelaha kale jooga, ileyn reer guuraa ayeynu nahay, oo haddii la yiraahdo naq baa meel hebla ka dhacay, roobna waa da’ay, daruurana waa ka curanayaan, caynka iyo bayda ayaa lays qabad siin, wadadaana laysa soo dhigi, America ilaa Yurub ilaa Soomaaliya…Qoladan Saaxiibaday ee halkaan joogana marabo iney yiraahdaan, wadaadow sir ayaad naga fakisay, laakiin runtu wexey tahay, iney Nambula, haba tira yaraado dadkeedu, meela badan oo ganacsi ka jiro, ka taya fiican tahay, manfacadeeduna ka macdahay, taasoo ay u daliil tahay, dadka badankoodu iney meeshan imaadeen iyagoo aan wax hantiya wadan, maantana Ilaahay Galladiis ay buuxan mood iyo nool, waa Riziq Ilaahay oo Dunida ceegaaga, nin ba waa meeshuu kasoo gaaro, iyo dadaalkuu bixiyo, taa ka hor iyo ka dibna waa Deeq iyo Qayb Ilaahay, iyo Tawfiiq..
La soco Sheekada Socdaalka Mozambique……
W/Q: SH. MUXAMMAD IDRIS
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
4 Comments so far
Leave a comment
ASCW WAXAA DHAMAAN MAHADI AY U SUGNAATAY ALLAH ANIGOO AH GANACSADE DEGAN DALKA MOZAMBIQUE WAXAAN U MAHAD CELINAYAA SH MOHAMED IDIRIS BOOQASHADII DIIMEED OO NOOGUGU IMAADAY ALLAH AJAR IYO XASANAAD HAKA SIIYO . RUNTII WAXAA ISKU SOO AADAY IMAATINKA SHEKHA IYO MASJIDKA WEYN EE SOMALIDA DHISTAY FURITANKIISA TAASI OO AHEYD ASTAAN WANAAGSAN
Bismilaahi
Allaah haku ciso hana ku sharfo Sheikhna Maxamed Idirs Allaah misaanka xasanaadka hakuu saaro safarkaaga waan qirooday ,markaan arkay sheikh qoraalkiisawaxaana uu ka mid yahay safardii ii umada ugu gurman jiray isgoo aan wax dan ah ka lahay illaa dan aakhiro moyee Allaah haku dhowro cadowgana allaah hakaa qabto way fiicnaan lahayd in aad Emailkaaga soo raaciso qoraalka si aan kuugu soo gudbino codsiyo quluubteena ka guuxaaya.
bismilaahi
asc salaanta islaamka kadib.ano jooga musanbiik kuna hadlaya magaca jaaliyada musanbiik waxaan mahada ilaahay ka sakow uga mahadcelinaya shiikha sida sharafta badan ee uu noo wacyi galiyay iyo sida uu noo sharfay jazalaahu kheyral jaza
asc waxaa mahad iskaleh dhamaanteen allah, marka xigtana aad ayaad ugumahadsantihiin in aad soogudbisaan sh. muxamed idris iyo socdaalkiis mozanbique uu kuyimid aad ayana ugumahcelinaynaa siduu quruxdabadneed oo uu noogusoojeed shay maxaadaradiisii qiimahabadneed hadana kasocota kuna eg caaway taariiqdu tahay 11-03-2012 ilaahay ejar hakasiiyo anagana hanaga dhigo kuwii kuwaana qaata amin.maxaadaradiisana waa la idinsoogudbidoonaa ilaahay haduu idmo halgan.net waxan leeyahay dadaalkiina laba laaba aad kusoogudbisaan socdaalka culmada soomaaliyeed somalidana ilaahay hakadhigo kuwii kafaa iidaysta sookudbintiina maxaadarooyinka.