Tacsi Ku socota ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Cabdirashiid Jaamac Oogle
March 22, 2012 - Written bylondon:-Assalaama caleykum waraxmatulaahi warbaakaatuhu Allaah ayaa mahad idaylkeed u sugnaatay, naxariis iyo nabadina ha gaadho rasuulkeenii suubanaa calayhi salaatu wasalaam. Allaah swt ayaa bixiya qaatana waxu uu bixiyay, Tacsidan la soo daristay shacabka islaamka ee ku dhaqan wadanka ingiriiska siiba kuwa soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Birmingham, Waxaan leenahay Allaah subxaanahu watacaalaa janadiisa ha geeyo walaalkeen marxuum Cabdirashiid Jaamac Oogle.
Waxaan kaloo leenahay samir iyo iimaan Allaah haka siiyo xaaskiisii, caruurtiisii iyo intii uu ka baxay marxuumku ee ah ehelo iyo qaraabo kaleba.
Walaalkey Cabdirashiid Oogle waxuu ahaa walaal aan isku baranay saxwadda iyo gudbinta diinta islaamka ee magaaladda birmingham, talooyin iyo fikraddo badan oo uu shaqsi ahaan i siiyayna waxay noqdeen kuwo aniga iyo shacabka islaamka ee soomaaliyeed waxtar iyo wax ku ool u noqday. Waxaan walaalkey Cabdirashiid uga markhaanti kacayaa inuu ahaa Ahlul khayr waliba ku dadaala gudbinta macluumaadka islaamiga ah ee wax ku oolka ah sida CDyada, Buugaagta, iyo Aaladdaha ka caawiya caruurta barashadda af Soomaaliga. Allaah swt waxaan ka baryayaa inuu siduu dadka islaamka ah ugu gargaari jiray uu allaah swt ka waraabiyo jannadiisa Al Firdowsa Al Aclaa, anaggana naga dhigo kuwa aan fidnoobin bacdigiisa.
Walaalkiis Maxammed Ibraahim Cawad
( Abuuhureyra )