Taliyahii hore ee Booliska gobolka Mudug Muuse Xasaasi oo qarax ka badbaaday
March 15, 2012 - Written byMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in qarax lala eegtay Taliyahii hore ee qaybta Booliska gobolka Mudug G/sare Muuse Axmed C/raxmaan Muuse Xasaasi xili uu marayey meel aan sidaa uga fogeyn saldhiga magaalada Gaalkacyo.
Taliyahii hore ee qaybta Booliska gobolka Mudug G/sare Muuse Xasaasi ayaa haatan ah madaxa hawlgalinta Ciidamada Booliska ee gobalka Mudug.
Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Mudug Jaamac Axmed Maxamed Sandaqad oo qaraxa ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalo ay sameeyeen qaraxa ka dib iyaga oo kaashanaya dadweynaha ay soo qabteen 5 qof.
G/sare Muuse Axmed C/raxmaan Muuse Xasaasi ayaa markii labaad ka badbaadaya miino loo dhigo waxaana qarax kan oo kale ah lagu weeraray sanadii 2011 bishii 6aad .Ilaa Haatan mana jiraan cid sheegatay masuuliyada weerarka miinada ah ee lagu dili lahaa G/sare Muuse Xasaasi.
M_M Deeq
Halgan.net